HomeWarkiiDagaalka culus ee saaka ka qarxay Degmada Aadan Yabaal iyo wararkii ugu...

Dagaalka culus ee saaka ka qarxay Degmada Aadan Yabaal iyo wararkii ugu dambeeyay

AADAN-YABAAL (DAYNIILE.COM)-Waxaa saaka  Dagaal culus uu ka socdaa Magaalada Aadan Yabaal kaasoo ay soo qaadeen kooxda Alshabaab.

Dagaalka oo qarxay saaka aroortii ayaa socda dhowr saacadood waxaana wararka qaar ee horushaca ah ay sheegayaan in ciidamada Dowlada ay xaafadaha qaar ka baxeen .

Ciidamo Milateri oo Dowlada ka tirsan ayaa ku sugan gudaha Magaalada Aadan Yabaal waxaana la soo sheegayaa in dagaalkaani uu sababay dhimasho iyo dhaawac aan cadad rasmi ah laga heyn.

Dagaalkaan oo la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan wali faahfaahin rasmi ah lagama hayo waxaase la sheegayaa in alshabaab u soo baxeen qaab weerarkooda oo qaraxyo ku bilowday inay qabsadan balse waxaa ka diidan kuwa Dowlada iyo deegaanka inta aan ka war heyo.

Wixii soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha Alllaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -