BARIIRE (DAYNIILE.COM)-Qoysas Beera-leey Soomaaliyeed ah ayaa ku baaba’ay Gobolka Shabeelaha hoose kadib hoobiyeyaal xaafadahooda ku soo dhacay.

Mashaqadaan oo si gaar ah uga dhacday tuulada Balow oo hoostagta degmada Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ka hadlay aabaha qoyskaasi oo laftigiisu dhaawac yahay.

Advertisement

Xaamud Qaadi Maxamed ayaa BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga wuxuu uga sheekeeyay sida hoobiyahaasi u baabi’iyay qoyskiisa mar isaga quraac shalay loo soo dhigay barqadii xili uu beerta ka soo laabtay.

Aabe Xaamud Qaadi Maxamed wuxuu xusay in markii quracda miiska lioo saarayba uu hoobiyaha soo dhacay islamarkaana sedex caruurta ka mida dhinteen sidoo kale qofkii quracda u keenay ayaa geeriyooday.

“markii quraacda miiska la ii saaray hoobiye ayaa guriga ku soo dhacay aniga dhaawac ayaa isoo gaaray caruur sedex ahayad halkii ayay ku naf baxeen oo waliba waa go’go’een, waxay ahayd masiibo qoyska ku habsatay”ayuu yiri Aabe Xaamud Qaadi Maxamed.

Isu geyn aabahaan waxaa qoyskiisa ka dhintay 5 ruux halka 5 kale ay dhaawacyo qabaan isaguna uu ka mid yahay walow dhaawiciisa uu fudud yahay halka 4-ta kale ay daran yihiin.

Qoyska labaad ee masioibadaani gaartay ayaa sidaan oo kale waxaa ka dhintay 5 ruux waxaana ka hadlay aabaha qoyskaasi.

Ibraahim Siidow Mustaf wuxuu bbc-da u sheegay in 4 caruur ah kaga dhintay hoobiyaha sidoo kalana ay ku dhaawacmen hoyadiis,xaasikiisa ,aabihiis iyo halka cunug oo caruurtiisa ka haray.

“Waxaan jiray beeraha, markii an imi gurigiina waxaa arkay Maydka carruurtayda afar dhintay oo barxada guriga yaalla ,midkii haray oo dhawac iyo xaaskayga o iyaduna daran, waan argagaxay runtii, laakiin waxaan isku dayey inaa dhaawaca la soo aado Muqdisho, xitaa ma aasin kuwii dhintay ee dariska iyo dadkii halkaa joogay ayaan dhahay aasa” ayuu codkiisa oo heesaya ku yiri Ibraahim oo bbc wareysi siiyay

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

bariire

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here