WAAJID (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deegaanada Maamulka Koofur-Galbeed gaar ahaan Magaalada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Dagaal uu shalay dhex-maray ciidamada Itoobiya iyo Dagaal-yahanada Alshabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab weerar dhaba-gal ah ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Garoonka diyaaradaha Waajid xili ay ku sii jeedeen saldhig ay isla magaaladaasi ku lahaayeen, waxaana dhexmaray dagaal culus.
Sidoo kale qarax ay Alshabaab soo maleegeen ayaa qabsaday gaari Cabdi-Bile ah oo Itoobiyaanku wateen waxayna dagaalamayaasha Alshabaab ku dilaan qaraxaasi 4 ka mida ciidamada Itoobiyaanka sidoo kalana waxaa ku bur-buray gaarigaasi oo ay jiiteen Itoobiyaanku.
War durba ka soo baxay saraakliisha Ciidamada Itoobiya ayaa lagu shaaciyay inay iska difaaceen weerarka ay Alshabaab ku soo qaadeen mana aysan soo hadal qaadin khasaaraha ciidamadooda gaaray.
Sidoo kale Itoobiyaanku waxay sheegeen in xiliga weerarka lagu qaadayay ay ku jireen howlgalo ciidan inkastoo aysan sii sharaxin wuxuu u salka ku hayay howlgalkaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM