Ciidamo ka tirsan Milatariga Kenya iyo kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay ku dagaalameen xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dagaalka oo saacdao socday ayaa la sheegay in khasare nafeed uu ka dhashay waxayna wararka qaar sheegayaan in labada dhinac iska dileem 5 ruux halka kuwa kalana iska dhaawaceen.

Advertisement

Dagaalka wuxuu ka dhashay kadib markii ciidamada Kenya ay weerar ku qaadeen Alshabaabka taasoo keentay in dagaal culus oo labada dhinac dhexmaro.

Dadka shacabka ee ka ag dhaw halka lagu dagaalamayo ayaa laftigooda la sheegay inay dhibaato ka soo gaartay rasaasta labada dhinac ay is dhaafsanayaan.

Kooxada Alshabaab ayaa hore looga bartay inay weeraro dhaba gal ah ku qaadaan ciidanada Kenya marka ay socdaan oo ay deegaanada xuduuda isga dhex gooshayaan balse dagaalkaan wuxuu ahaa mid Kenyaanku weerarka lahaayeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here