QORYOOLEY (DAYNIILE.COM)-Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa la soo sheegaya inuu ka socdo dagaal xoggan oo u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah.

Labada Beelood oo kala ah Jidde iyo Garre ayaa la soo sheegayaa inay gudaha xaafadaha Degmada Qoryooleey ku dagaalamayaan kadib colaadmaalmihii u danbeeyay u dhexeysay.

Advertisement

Afar ruux oo ka mida beelaha dagaalamaya ayaa dhawaan lagu dilay gudaha Qoryoley taas ayaana keentay in  beesha kale isasoo abaabusho, ugu danbeyna dagaalka ayaa sidaas maanta uga qarxay xaafadaha Qoryooleey oo hoos taga Maamulka Koonfur Galbeed.

dad goob-joogayaal ah ayaa sheegaya in dagaalku marba meel xaafad hor leh ku sii fidayo mana jirto cid soo kala dhex galeysa hadey Dowlada Faderaalka ahaan lahayd ama Maamulka K/galbeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here