CEERI-GAABO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Galabta uu dib uu bilowday dagaal culus oo u dhexeeya maamulada SSC Khaatumo iyo Somaliland kaasoo shalay iyo maanta gelinkii hore istagnaa.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa wararka dhinacyada laga helaya waxay muujiyaan maxaabiis ay kala qabsadeen.

Advertisement

Lama yaqaan khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkaani hubka nuucyadiisa kala duwan la isu adeegsaday,waxayna sidoo kale masuuliyiintau dhinacba dhinaca kale ku eedeynayaan inuu isagu dagaalka hurinaayo uuna weerar ku yahay dhankooda.

Dagaaladaan maalmihii danbe ka soo cusboonaaday aagaga Magaalada Ceeri-gaabo ayaa yimid kadib weeraro ka yimid dhanka SSC Khaatumo kuwaasoo doonaya inay qabsadaan meelo ay Ceeri-gaabo ka mid tahay iyagoo ku andacoonaya inay maamulkooda ka mid tahay.

dhawaan ayay ahayd markii Dowlada Somalia labadaan dhinac ugu baaqday inay colaada joojiyaan kuna badalaan wada-haa;l iyo nabad lagu soo dabaalo deegaanada dhibaatadu ka taagan tahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here