DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Dagaal ka dhashay macalinkii Dugsi quraanka iyo xaaskiisa ee habeen hore la dilay ayaa saaka ka qarxay duleedka Magaalada Dhuusa-Mareeb kaasoo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed.

Wararka horu dhaca ah oo la helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo ka qarxay deegaanka Taragaduud ay labada dhinac helayaan gurmadyo taasoo sii hurineysa rasaasta socota.

Advertisement

Deegaankii habeen hore lagu dilay Macalinka iyo xaaskiisa ee Bulucle iyo kan hada lagu dagaalamayo ee deegaanka Taragaduud ayaa labaduba aad ugu dhaw magaalada Dhuusa-mareeb  ee caasimada Maamulka Galmudug.

Wali wax faahfaahin lagama helin khasaaraha nafeed ee ilaa hada kala gaaray labada belood sidoo kale ma jirto wax maamul ama faderaalka ah oo ku baxay damint colaad beeleedkaani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here