DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland ayaa ka qarxay Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo.

Ciidamada Dowlada ee dagaalka ku jira ayaa la soo sheegayaa inay yihiin kuwa Nabad sugida qaranka ee NISA halka kuwa Axmed Madoobana ay caawiyaan ciidamo Itoobiyaan ah.

Advertisement

Sidoo kale ilaalada Madaxweyne xigeenka Maamulka Jubaland ee Maxamuud Sayid Aadan ayaa dagaalka qeyb ka ah lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ilaa iminka kala gaaray.

Sidoo kale lama xaqiijin karo tirada ciidamada Itoobiyaanka ah ee dagaalka ku garab siinaya kuwa Maamulak Jubaland.

Dhanka kale waxaa jira dhimasho iyo dhaawa badan oo labada dhinac kala gaaray walow aan aan warar sugan laga heyn cadadka dhimashada labada dhinacba.

Wixii war ah ee ka soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here