XUDUR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkasi uu ka dhacay Dagaal aad u culus kaasoo u dhexeeyay Alshabaab iyo Ciidamada Itoobiyaanka.

Iska hor imaadka ayaa qarxay markii Alshabaab weerar qorsheysan ku qaadeen Fariisinka Ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin Magaalada Xudur , waxaana la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo dagaalkuna qaatay saacado.

Advertisement

Labada dhinac ayaa isku riiqmay xili Ciidamada Itoobiyaanku mararka qaar  adeegsanayeen madaafiic badan oo qaarkood ay ku dhacayeen meelo ka baxsan goobta dagaalka.

Alshabab war dhankooda ka soo baxay ayay ku sheegteen inay weerarkooda guul ka gaareen islamarkaana ay khasaare weyn gaarsiiyen ciidamada Itoobiya.

Dhanka Taliska Itoobiya ee Xudur laftooda way ka hadleen waxayna xuseen inay iska difaaceen Alshabaab islamarkaana ayxili aysan sii faah faahin khasaaraha ka dhashay dagaalka marka la eego labadooda dhinac.

Ma jirto warar madax banaan oo laga helay dagaalka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay gaar ahaan midka kala gaaray dhinacyada dagaalamayay iyo waliba hadii ay jiraan dhibaato shacabka soo gaartay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here