CEELDHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka naga so garaayo Galgaduud gaar ahaan degmada ceeldheer ayaa shegaayo in Saaka salaadii subax weerar qaraxyo ku bilowday alshsbaab ku qadeen fadhiisin ay ciidanka gorgor ku la hayeen duleedka degmadaas.

Wili ma cado qasaaruhu inta ow la egyahay balse dagaalka ayaa ku bilowday qaraxyo gawaari laga soo buuxshay iyo dagaalamayaal is miidaamiyay si lagu jebiyo difaaca hore ee ciidanka aadka u tababaran ee gorgor.

Advertisement

Waxay wararku intaa ku derayaan in shacabkii ku dhaqnaa gudaha degmada ceeldheer ku waabariisteen daryanka qaraxa, madaafiicda iyo rasaasta ka dhaceysa duleedka Magaaladaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada ay iska  caabiyeen alshabaan islamarkaana ay jabiyeen markii gurmad uu uga yimid dhanka deeganka Masagawaay oo u dhaw Degmada Ceel-dheere.

Laba sarkaal oo dadka deegaanka ka soo jeeday ayaa ku dhintay kuwaasoo kala ahaa Cabdule Maxamuud Cabdi (Odey Cabdulle) oo caan ahaa inta badana warbaahinta ka hadli jirey iyo Cornel Yoonis Xasan Sabriye oo qurbaha uga yimid si uu ula dagaalamo Alshabaab waliba wuxuu hore u sheegay inuu u yimid inuu u dhinto dalkiisa,diintiisa iyo dadkiisa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person, beard, smiling and glassesMay be an image of 2 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here