XUDUR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi ay weerar rogaal celisa ay ku soo qaadeen dagaalamayaasha Alshabab iyagoona si gaara u beehsaday fariisinka ciidamada Itoobiya.

Alshabaab waxay weerarka xalay ku ekeeyeen fariisin ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xudur waxaana labada dhinac dhex maray dagaal aad u xooggana kaasoo waqti kooban qaatay.

Advertisement

khasaaraha si rasmi ah looma oga marka la eego labada dhinac balse Ashabaab ayaa sheegtay inay askar badan kaga dileen Ciidamada Itoobiyaanka inkastoo saraaiisha Itoobiyana beeniyeen iyagoona ku gaabsaday inay iska difaaceen weerarka kaga yimi kooda Alshabaab.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanku dagaalka kadib ay baaritaan kula dhaqaaqeen nawaaxiga fariisinkooda iyagoo raadinaya kooxdiina xalay weerarka ku soo qaaday.

Shalay ayay ahayd markii alshabaab isla fariisinka Xudur weerar culus ku ekeeyeen markii ay iska soo hormariyeen duqeyn madaafiic kadibna dagaal toosa ay la galeen Itoobiyaanka.

XAFIISka WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here