HomeWarkiiDagaal maanta ka dhacay Sabiib iyo Caanoole iyo Af-hayeenka oo ka hadlay

Dagaal maanta ka dhacay Sabiib iyo Caanoole iyo Af-hayeenka oo ka hadlay

SABIIB (DAYNIILE.COM)-Kooxda Al-shabaab ayaa maanta duulaan u muuqday isku day dib u qabasasho ah waxay ku soo qaadeen Deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo dhawaan uun Alshabaab laga saaray xili ay maalmo heysteen.

Weerarkii Alshabaab waxaa jilbaha u aastay ciidamada Xooga Dalka oo dhowr fariisin ka sameystay deegaanadaasi,waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal culus oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isu adeegsaday.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Alshabaab ay ku guul dareysteen inay qabsadaan deegaanadaasi Sabiib iyo Caanoole xili diyaaradaha dagaalka ee Dowlada laftigoodu maanta waacinayeen ciidamada Dowlada Somalia.

Af-hayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed ayaa wareysi uu siiyay TV-ga qaranka wuxuu kaga hadlay dagaalkaani iyo khasaaraha dhanka Alshabaab gaaray.

Sheekh Abuukar Maxamed wuxuu sheegay in Alshabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaalka maanta islamarkaana laga dilay ilaa 30 dagaalame,afhayeenka wuxu xusay in dagaalku ka dhacay duleedka deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Afhayeenka wuxuu soo hadal qaaday duqeymo alshabaab lagula beegsaday duleedka Degmada Raage-Ceelle ee Gobolka Shabeelaha dhexe,wuxuuna sheegay in lagu dilay 40 dagaalame oo alshabaab ka tirsan sidoo kalana gaari Cabdi-bille ah laga gubay alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -