BUUHOODLE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka Qorilugud ee hoos-tagta Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaasi uu shalay dagaal ka qarxay kaasoo maantana galay maalintii labaad xili la isu adeegsanayo gaadiidka dagaalka.
Dagaalkaan ayaa u dhexeeya Maamulka gooni-goosadka waqooyiga Somalia ee Somaliland iyo maamulka cusub ee SSC Khaatumo iyadoo masuuliyiin labada dhinac u kala hadashay uu mid kastaahi guul ka sheegtay dagaalka.
labada dhinac wuxuu mid kasta sheegtay inuu maxaabiisna qabtay sidoo kalana la wareegay gaadiid dagaal oo dhanka kale uu ku soo dagaal galay.
Afhayeenka Millateriga Maamulka Somaliland Cabdi Cadillaahi (Cabdi Dheere) ayaa warbaahinta u sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka maanta galay maalintii labaad.
Afhayeenka wuxuu qiray in dagaalka ay ciidamadooda caawinayaan kuwa deegaanka u dhashay islamarkaana ay dagaalka wada-jir u wajahayaan dhanka kale ee SSC Khaatumo.
Afhayeenka wuxuu ku eedeeyay Khaatumo inay iyaga weerarka soo qaadeen islamarkaana ay doonayaan inay ku carqaladeeyaan doorashada reer Somaliland dhawaan ay galayaan.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo Najiib Barkhadle ayaa saxaafada u sheegay in dagaalkaani ay soo qaadeen ciidamada Maamulka Somaliland islamarkaana ay soo weerareen difaacyada ciidamadooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM