Dagaal ay qaadeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo macawsleyda ayaa maanta ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan inta u dhexeysa Magaalooyinka Galcad iyo Masagawaay.
Meelaha Ciidamadu weerarka ku qaadeen ayaa la soo sheegayaa inay ahayd goobo ay fariisimo ku lahaayeen kooxda Alshabaab, waana howd-ka ama duurba u dhexeeya Galcad iyo Masagawaay.
Taliyaha Ururka 86-aad Guutada 77 Cabdinuur Yuusuf Qadaaye ayaa u sheegay warbaahinta Dowlada inay gabi ahaanba cagta mariyeen meelihii Alshabaab gabaadka u ahaa.
Sidookale Taliyaha wuxuu sheegay inay jab  gaarsiiyeen dagaalamayashii Alshabaab ee ay duulaanka ku qaadeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 4 people and grass
May be an image of 2 people and grassMay be an image of 2 people and grassMay be an image of 4 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here