Hawlgal qorsheysan oo guutada 9aad ee qaybta 60aad ee CXDS maanta ay ka fuliyeen gobolka Bokool ayaa lagu diley 9 kamid ah maleeshiyada khawaarijta.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu soo furtey 3 Qori oo Ak47 ah iyo hal BKM kadib howlgalka ka dhacay deegaanka Abag-Beeddey oo 20km dhanka Bari kaga beegan magaalada Xuddur ee xarunta G/bakool.

Khawaarijta ayaa muddooyinkan wajahaya jab xooggan oo kaga imaanaya ciidanka Xoogga dalka, oo ku kala sugan gobolada dalka.

Dhawaan howlgal ka dhacay Jubbada Hoose ayaa khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxaha khawaarijta.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA
May be an image of 9 peopleMay be an image of 3 people and rhinocerosMay be an image of 2 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 8 peopleNo photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here