XARAR-DHEERE (DAYNIILE.COM)-Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay Magaalada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug kaasoo u dhexeeyay Milatariga  Dowlada Soomaaliya iyo maleeshiyadka deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda.

Dagaalkaan oo ka bilowday isfaham daro soo kala dhex gashay labada dhinac ayaa sababay waqti kooban labada dhinac rasaas ooda isaga qaadeen balse markii danbe istaagtay.

Advertisement

Inta la ogyahay qof shacaba ayaa rasaastu dishay sidoo kalana 4 kalana dhaawac ayaa soo  gaaray kuwaasoo ka kala tirsanaa labada dhinac ee dagaalamayay.

Maamulka Degmada Xarardheere ayaa laga soo xigtay in lagu guuleystay in ciidamada xeryahooda lagu kala celiyay islamarkaana ay socoto wada-hadalo lagu xalinayo wixii keenay iska hor imaadka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here