MASAGAWAAY (DAYNIILE.COM)-Wararka naga soo garaaya bariga Gobolka Galgaduud ayaa shegaaya inuu dagaal culus xalay ka dhacay halka lagu magacaabao xuseen cagey oo hoos tagta degaanka Masagawaay.

“Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weerar ku ekeeyay dagaalamayaasha khawaarijta alshabaab kuwaasoo qorsheynaayay dhibaatooyin ka dhan ah shacabka iyo ciidanka dowladaba” ayuu yiri sargaal ka hadlaayay dagaalka xalay dhacay.

Advertisement

Wuxuu intaa ku deray in dagaalkaani ku bilawday si dhabo gal  oo lagu sameeyay alshabaab markii xogtooda la helay.

“wax dhibaato ah nama soo gaarin ka ciidan iyo shacab ahaan waxyeeladu waxey ku egtahay iyaga oo aan firxadkooda ku sii daba joogno, halka lagu magacaabo xuseen cagey oo fariisin u ahaa jirtay khawaarijta, waxaana hada degan ciidanka xooga dalka iyo ciidamada degaanka mesegawaay”ayuu mar kale yiri sarkaalkaasi

Wili ma cado inta uu qasaaruhu gaarsiisan yahay, sidoo kale dhanka kooxda Alshabaabna wili wax wara kama soo bixin inta aan ognahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here