Dagaal Xooggan ayaa saaka ka dhacay deegaanka Buula-xaaji ee galbeedka kaga aadan Magaalada Kismaayo kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Maamulka Jubland oo is garabsanaya iyo dagaalamayaasha Alshabaab.
Sida lagu sheegay war durba ka soo baxay Dowlada Soomaaliya jab xooggan ayaa lagu gaarsiiyay dagaalka kooxda Alshabaab waxaana laga furtay hun badan sidoo kale waxaa laga dilay dagaalamayaal iyo saraakiishii hogaamineysay.
Dagaalka Saaka waxaa soo qaaday Alshabaab iyagoo damacsanaa inay buulo-xaaji dib u qabsadaan laakiin ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubaland ayaa muujiyay iska caabin xooggan.
Warbaahinta Dowlada waxaa lagu soo bandhigay hubkii laga furtay kooxda Alshabaab iyo warbixin muujineysa guusha ay gaareen ciidamada huwanta balse dhanka Alshabaab wali wax wara kama soo bixin inta aan ka war heyno.
No photo description available.May be an image of leatherNo photo description available.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here