RUUNIR-GOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka Cadaan-laxeey ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya Alshabaab oo dhinac ah iyo ciidamada Dowlada iyo macawisleyda oo dhinac ah.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Dagaalkaani yimid kadib markii kooxda Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Cadaan laxeey oo hoos yimaada deegaanka Ruunir-good xili ay bartilmaameedsadeen fariisimaha ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ay halkaasi ku leeyihiin.
Iska hor imaadka oo la isku riiqmay ayaa wararku waxay tilmaamayaan inuu socday ku dhawaad saacad iyadoona daryanka ganaatalaha garabka laga rido iyo rasaastaba laga maqlayay deegaankaasi iyo deegaanada ku xeeran.
Wali ma cada khasaaraha dhinacyada kala gaaray madaama rasaastu socotay daqiiqado badan islamarkaana aaney dhinacyadu wali war ka soo saarin.
Sidoo kale wararka dagaalkaani la xiriira ayaa sheegaya in ciidamada Dowalada iyo kuwa macawisleyda ay dib u celiyeen Alshabaabkii soo galay Tuulada Cadaan-laxeey, xaalkuna yara degan yahay inkastoo daqiiqad kasta dagaaladu soo laba kacleyn karo.
Dagaalka xooggan ee maanta ka dhacay Tuulada Cadaan-laxeey ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku soo aadaya xili dhowr maalin ka hor dagaalo culus ay isla gobolkaani ku dhexmareen Alshabaab iyo Dowlada oo garab ka helaya kuwa deegaanka markaasoo Alshabaab gaadid badan oo dagaal looga gubay, laga eryay dhamaan meelihii ay soo weerareen oo qaarkood ah ay qabsadeen sida deegaanka Ceel-baraf iyo miir-taqwa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM