LUUQ (DAYNIILE.COM)-Magaalada Luuq ee Gobolka Geddo waxaa laga soo sheegayaa inuu saaka ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya kooxo beeleedyo hubeysan kuwaasoo hubka nuucyadiisa kala duwan adeegsanaya.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay saaka ka war heleen marka kaliya rasaasta ka bilaabatay magaalada walina wax wara kama soo bixin Dowlada iyo Maamulka Jubaland xili iyaga laftigoodu hub isu heystaan.

Advertisement

Wararka horu-dhaca ah ee aan ka heleyno Magaalada Luuq ayaa sheegaya in labada maleeshiyo Beeleed uu soo kala gaaray khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira walow aan warar sugan laga helin tirada saxda ah.

Dagaalkaan labada Beelood ku dhexmaraya Degmada Luuq maaha mid cusub balse waa mid dhowr mar soo noq noqday xili dhawaan maamulka Jubaland shaaciyay inuu heshiis dhex dhigay.

Sidoo kale dagaalka saaka ayaa ku soo aadaya xili maamulka Jubland hore u sheegay in qabiilkiisa xad-gudub ama dagaalka bilaaba heshiiskii hore kadib ay talaabo ka qaadi doonaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here