GARISA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in dagaal culus u dhexmaray ciidamada Kenya iyo Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaabka Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaa ay weerar ku qaadeen xero ciidan oo Milateriga Kenya ku leeyihiin deegaanka biya-madoobi ee Degmada Faafi ee Gobolka Garisa Waqooyi bari-Kenya.
Dagaalkaan ayaa la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo dadka deegaankaasi ka dhaw soo tabiyeen inay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo rasaasta la is dhaafsanayay.
Dagaalka waxaa la soo sheegayaa inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh balse aaney jirin warar madax banaan oo cadeynaya khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.
Kooxda Alshabaab ayaa dhankooda guulo ka sheetay weerarkaani ,waxay baraha bulshada ku shaaciyeen inay weerarkooda kula wareegeen xeradii ciidamada kenya ee ay weerarka ku qaadeen inkastoo dhanka Dowlada Kenya aysan wax wara ka soo bixin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM