XUDUR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Xudur ee Xarunta  Gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal culus ku dhex-maray Alshabaab iyo Ciidamada Itoobiya .

Dagaalka waxaa la soo sheegayaa inuu yimid kadib markii Alshabaab weerar ku qaadeen fariisimaha Ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin Magaalada Xudur,dagaalka ayay Alshabaab ku soo bilaabeen madaafiic ay xerada Itoobiyaanka la soo beegsadeen.

Advertisement

Madaafiicda kadib waxaa dhexmaray dagaal toos ah oo saacado qaatay iyadoo ciidamada Itoobiyaanku iska difaaceen weerarka xooggan ee kaga yimid dhanka Alshabaab.

Dagaalkan oo dhaliyay khasaare nafeed oo labada dhinac jira ayaa waxaa guulo wada sheegtay Itoobiyaanka iyo Alshabaab balse lama hayo warar madax banaan oo kala cadeynaya inta uu la egyahay khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here