GAAL-KACYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Galbeedka Gobolka Mudug ayaa sheegaya  in saaka uu dib uga qarxay dagaaladii hore halkaasi uga jirey ee xalintiisa lagu mashquulsnaa.
Dagaalka waxay labada beelood isu adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan intaba ay heli karaan mana jirto awood Dowladeed iyo mid maamul Goboleed oo lagu dhex galay.
Warar sugan lagama heli karo dagaalka hada ka socda aagaasi madaama dhulka lagu dagaalamayo uu yahay miyiga fog gaar ahaan deegaanada Maygaag iyo saax-qurun.
Isku dhacyadaan labada Beelood ee Galmudug iyo Puntland ka soo kala jeeda ayaa noqday mid soo noqnoqday waxaana markii ugu danbeysay ay iska dileen beeluhu  dad 25 ka badan.
Masuuliyiinta Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug dhowr mar ayay baaqyo nabadeed soo jeediyeen balse wax shaqeeyay malaha ,sidoo kalana ma aysan qaadin talaabo ay awood ciidan ku dhex galayaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here