Deegaano ka tirsan Gobolka Mudug waxaa laga soo sheegayaa inay maanta ku dagalaameen laba meleeshiyo Beeleed.

Dagaal Beeleedkaan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiram,waxay isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan haba ugu badnaatee hubka daran dooriga u dhaca.

Advertisement

Iska hor imaadka ayaa si gaar ah uga dhacay saaka tuulada  Buq oo u dhaw deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug xili marar horana la heshiisiiyay beelahaani.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in tirada maleeshiyaadka labada dhinac iska dileen ay gaareyso 15 ruux halka dhaawucuna ka badan yahay 20 ruux kuwaasoo qaarkood la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Waxaa socda dadaalo ay wadaan oday dhaqameed-yada kaasoo lagu doonayo in maleeshiyaadka xabad joojin lagu dhex dhigo madaama ay wali isku hor fadhiyaan goobihii saaaka lagu dagaalamay,lagana cabsi qabo inay mar kale is fara saaraan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here