No description available.

BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweye ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabelle iyo kooxo la baxay Hiiraan State.

Advertisement

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalku yimid kadib markii kooxda Hiiraan State oo mucaarad ku ah Maamulka Hirshabelle ay damceen inay xarunta lama galaay ee ciidamada ay ku dhigaan wax ay ku sheegeen xuska markii la aas aasay magaca hiiraan State tasoo ku beegan beri 12-ka Oktobar.

Warar ay warbaahinta madaxa banaan qaar soo tabiyeen ayaa sheegaya in weerarku uu ka yimid Maamulka Hirshabelle islamarkaana kooxda Hiiraan State ay iska caabin sameeyeen taasoo keentay dagaal fool ka fool ah.

Wararku waxay tilmaamayaan in hal qof uu dhintay tira kalana ay dhaawacmeen kuwaasoo labada ciidan ka kala tirsanaa.

Xaalada ayaa dagan markii ka dib u laabteen ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle kadib waan waan ay bilaabeen odayaasha dhaqanka  walina saxaafada war saxa kama helin dhanka maamulka Hirshabelle.

Bariga Baladweyne oo ah halka la isku rasaaseeyay ayaa laga dareeayaa xiisada colaadeed iyadoo ganacsiga inta badana uu hakaday intii dirirtu socotay saaka aroortii hore.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here