LAAS-QOREY (DAYNIILE.COM)-Maamulada Gobolada Waqooyiga Bari iyo Waqooyiga Galbeed ee Somaliland iyo Puntland ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhex qarxay dagaal afka ah kaaasoo yimid kadib markii doonyo kaluumeysi oo laga leeyahay Puntland ay xoog ku wateen ciidamada Somaliland.
Gudoomiyaha Laas-qorey garabka Puntland C/kariin Yuusuf Dibad ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay afduubteen laba doon oo ahaa nuuca kaluumeysiga oo reer Puntand ay lahaayeen sida uu sheegay.
“Maleeshiyaad ku abtirsada Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee saaka abbaare 6:20am waxay degmada Laasqoroy ka soo weerareen dhinaca biyaha Caalamiga ah ee badda iyagoona afduubtay laba doomood oo ay lee yihiin ganacsatada degmada Laasqoroy” ayuu yiri Cabdikariin Yuusuf Dibbad.
Dhanka kale Somaliland waxay shegeen in doomankaasi ay wadeen hu sharci daro ah sidaasna ay kula waregeen.
Gudoomiyaha u hadlay dhanka Puntland ayaa si weyn u beeniyay in doomankaasi hub sideen wuxuuna ku celceliyay inay labada doonba ahaayeen kuwo sharciyeysan oo ah kuwa kaluumeysiga oo walibana Puntland laga leeyahay.
lama yaqaan halka uu gaari doono dagaalkaan dhanka afka ah ee labada maamul ka dhex qarxay maanta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM