Dad tiradooda lagu sheegay 63 ruux oo saarnaa bas weyn  ayaa la soo sheegayaa in baabuurkii ay wateen uu shil galay taasoo keentay dhimasho dhowr qofood ah.

Shilka waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 3 ruux oo laba ka mida ay ahaayeen hooyo iyo cunug yar,sidoo kale dhowr qofood ayaa dhaawacyo soo gaareen sida darwalka gaariga kaxaynayay.

Advertisement

Dadkaani  ayaa la sheegay inay u socdeen inay wax ka soo aasaan meydka qof ehaladooda ah balse mashaqadaan ayaa dhexda ku heshay oo iyagiibaaba qaar ka mida geeriyoodeen.

Baska wuxuu shil-ka ku galay nawaaxiga Kayole ee deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya balse waxay ku wajahnaayeen magaalada Tororo ee Bariga dalka Uganda halkaasoo uu aaska ka dhici lahaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here