Daadad ka dhashay roob mahiigan ah ayaa laga soo sheegayaa dalka Yeman kuwaasoo sababay dhimasho badan iyo sidoo kale bur -bur hantiyeed.

Tira-koobka ugu dambeeya ayaa sheegaya inay dhinteen 40 ruux,sidoo kale 500 oo guri oo ku yaalla gobolka Xudeydah ayaa ka mida meelaha roobabka dartood looga barakacay.

Advertisement

Roobabkaani ayaa sidoo kale la soo sheegayaa inay jareen wadooyin hore loo isticmaali jirey,maamulka Kooxda Xuutiyiinta ayaa dadaalo sameynaya si ay dadka u samata-bixiyaan.

Dhanka kale Xafiiska Isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabdho (OCHA) ayaa shaaciyay in iyaga iyo hay’ado kale ay gar-gaar u direen Gobolka xudeyda.

Shacabkii barakacay ayaa hoy la’aan,agab la’aan iyo raashin la’aan intaba isugu darsantay, waxaana socda isku dayo loogu gurmanaayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here