Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa sheegay inuu dalbanayo in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant iyo Hoggaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar.
Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa sheegay in codsiga dacwad oogaha ICC uu yahay mid laga xumaado isagoo ku celceliyay taageerada uu u hayo Israa’iil.
Sidoo kale sharci-dajiyayaasha Mareykanka ayaa ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada.
Masuuliyiinta Mareykanka waxay xili kasta u taagan yihiin difaaca Israa’iil halka ay iska indha tiraan xasuuqa lagu hayo shacabka Muslimiinta ah ee reer Gaza.
Amarka ka dhanka Ra’iisulwasaaraha Yuhuuda Netanyahu ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo dacwad ooge ka tirsan maxkamada ICC uu dalbado in la soo xiro isaga qaar ka mida wasiirada sida kan gaashaandhiga.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM