MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deeganka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho  ayaa sheegaya in  Dab xoogan uu Caawa saq dhexe ka kacay suuqa abaare 12-ka ama lix saac .

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sida dabku ku bilowday,waxaana wararka qaar sheegayaan in qarax lala eegtay suuqa uu dabku ku bilowday inkastoo wali aanay masuuliyiintu ka hadlin.

Advertisement

Debka ayaa la soo sheegayaa inuu ku faafay suuqa xili gurmad deg-deg ahna uusan helin suuqa, xili hanti badana ay ku baaba’day.

Wararku waxay tilmaamayaan in maanta ganacsatada suuqaasi Dowladu ku amartay inay kaamirada qarsoon xirtaan balse qaarkood ka biya diideen.

Qaraxa iyo cida ka dambeysa hadiiba uu yahay kiis sax waxaa Dowlada laga filayaa inay faahfaahin ka bixiso arintaani.

Sawirkaan oo laga soo qaaday Dabka hada socda ayaa muujinaya baaxada uu dabku leeyahay.

Wararka dabka suuqa ceelasha wixii ka soo kordha wararkeena kale ayaad  kaga doontaan Insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here