CEEL-BARAF (DAYNIILE.COM)-Howlgal-kiI cuslaa ee Ciidamada Dowlada ka fuliyeen Degmada Ceelbaraf ee lagu soo xir xirey odeg dhaqameedyo,dhalinyaro iyo Gudoomiyaha Degmadaasi oo aan saaka wararkeenii idinkula wadaagnag waxaa ka soo baxaya warar dheeraad ah.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee  Xoogga Dalka ayaa gaaray Ceel-baraf waxayna soo qaadeen dhamaan dadkii loo soo xir xirey ku lug lahaanshaha maleeshiya beeleedkii doraad laayay  ciidamo ka tirsan Milatariga Somalia kuwaasoo ahaa ilaa 7 askari Rabi ha u naxariistee dhamaantood.

Advertisement

Dowlada Somalia waxay cadeysay inay sharciga hor geyn doonto dhamaan dadka hada loo soo xirey falkii lagu laayay ciidamada Dowlada Somalia ka tirsanaa ee reer Hiiraanka ahaa.

Inkastoo wali gacanta lagu soo dhigin maleeahiyaadkii dilka arxan  darada ah fuliyay hadana waxaa si xowli ah ku socda howlgalka lagu raadinaayo maleeshiyaadkaasi waana sababta loo soo xirey odey-dhaqameedyada iyo maamulkooda.

Haddaba halkaan ka daawo qaabka uu u socdo howlgalka ciidanada Dowlada ee lagu soo xir xirey odey dhaqamèedyada iyo maamulka Ceel-baraf si ay u sahlanaato soo xirista ragii ka danbeeyay dilka loo geysray ciidamadii qaranka :-

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here