KUDHAA (DAYNIILE.COM)-Wasiir katirsan Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa gaaray magaalada Kudhaa ayaa hadalo kooban u jeediyay dadka deegaanka xili uu si weyna uga hadlay xiisada kala dhaxeysa Dowlada Somalia.
Wasiirka ayaa goobta ka sheegay inay dagaal la galayaan ciidamada Dowlada Somalia oo uu ku dhalilay inay deegaanadooda oo nabdoon ay colaad ka hurinayaan sida uu warka u dhigay.
“Dowladii Soomaaliyeed ee aynu dhisanay ee casimada Somalia fadhisay ee iskuuladii ,waxbarashada ,caafimaadki iyo ceelashii biyaha ay ka soo dhacahayeen ka warama haday hada rasaas iyo qoryo noogu badashay oo ay leedahay amnigooda burburineynaa oo waa dumineynaa , maxaan sameyneynaa waan iska celineynaa sow maaha , waan ka hortageynaa waan ka diideynaa, kama yeeleyno “ayuu yiri Wasiirka oo tuute soo xirtay
Hadalada halkaan ka daawo muuqaan aan ka soo xignay wariye Catoosh:-
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM