Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kaliya ka soo muuqday baraha bulshada iyo warbaahinta isagoo careysan una jawaabaya wariye su’aal weydiiyay dareenkiisa badashay.

Xildhibaan Shariif oo ka mid ah Hogaamiyayaasha xukun doonka ah islamarkaana hore dalka u soo hogaamiyay ayaa la weydiiyay su’aal ahayd in madaxda xukun doonku u qorsaneyn Dowlada hada jirta inay guulo ka gaartay Dagaalada islamarkaana ay badiyaaba tageeraan Alshabaab.

Advertisement

Shariif oo ka xanaaqay ereyga ah inay ku hadlaan hadalo alshabaab garab siinaya ayaa markiiba wariyaha si kulul ugu jawaabay, wuxuuna xusay in hadii ay sheegaan qaladaadka Dowlada aysan macnaheedu ahayn inay la jiraan Alshabaab.

Shariif isagoo adgeegsanaya ereyga Waryaa ayuu wariyaha su’aal ku celiyay iyo ma ogtahay in Alshabaab oo xamar heysta ay Dowladu ka saartay xiligii uu madaxweynaha ahaa 2011-kii.

“waxaan rabaa inaan ku weydiiyay siyaasigu waa inuu aragti ka leyahay dhaqaalaha ,Siyaasada iyo amniga, marka hadaan ka hadalno  amniga oo Dowlada aan ku aragti noqon weyno  macnaheeda ma waxay noqoneysaa inaan Alshabaab la jirno abadan lama jirno”ayuu yiri Xildhibaanka.

Marka uu adgeesanayay ereyga waryaa waxa uu Shariif carabka ku dhuiftay inuusan rabin warbahinta inuu ka sheego  wax badan sidaas darteedna uusan rabin inuu ku sii socodo hadalka.

“Ciidanku waa qaldan yahay sida loo maamulay,sida loo hogaamiyaa qaldan,sida loo dhisaa qaldan, alshabaabna waa ka soo horjeednaa”ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo cara ay ka muuqatay.

Muqaalka  Madaxweynihii hore Sheekh Shariif halkaan ka daawo:-

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here