MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shacab u badnaa ehelada Gen.Sheegoow oo meydkiisa siday iyagoo lugeynaya ayaa lagu rasaaseeyay isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Shacabkaan oo meydka ka soo qaaday Isbitaalka Digfeer halkaasoo salaada janaasada lagula tukaday xili ay usii wadeen garoonka diyaaradaha Muqdisho si Jowhar loogu soo aaso ayaa lagu rasaaseeyay jagboyntiga laga ilaaliyo garoonka ee ku yaal isgoyska KM4 halkaasoo ay ka howlgalaan ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida qaranka.
Ciidamada NISA ayaa rasaas ay hoos ugu dhigeen waxaa ku dhaawacmay shacab baraha bulshada lagu arkay iyadoo lala la sido si goobaha caafimaadka loo gaarsiiyo.
Shacabkii badnaa ee galbinayay ambalaasta meydka lagu waday ayaa kala cararay markii rasaastu bilaabatay iyadoo ay ka dhacday nin kasta inuu naftiisa meel u deydo.
Dhanka kale laamaha amaanka Dowlada ayaa lagu wadaa inay cadeeyaan sababta shacabka loo rasaaseeyay walow dadka amniga wax ka yaqaan ay fahmi karaan inaaneey shacab dudadaaya oo aan la baarin ka gudbi karin goobaha muhiimka u ah hay’adaha dowlada sida garoonka,dekada,madaxtooyada ,xeryaha ciidamada iyo meelaha kale.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM