MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wiil Alshabaabnimo ku eedeysan oo aad u da’yar ayaa xalay qof shacaba ou dilay Degmada Garasbaaleey ee Magaalada Muqdisho.
Shacabka Degmadaasi oo is xilqaanay ayaa gacanta ku soo dhigay wiilkaasi iyagoo iir dilay kadibna isagoo wada dhiigagaya ayay ku wareejiyeen laamaha amniga ee Dowlada Somalia.
Wareysi kooban oo lala yeeshay ayuu ku qirtay dilka uu geystay iyo in shacabku soo qabteen intaba.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Muqdisho ka curtay Kacdoon iyo Baraarug Shacab waxayna noqoneysaa qofkii sedexaad oo Alshabaab ka tirsan oo ay shacabku naftooda inta biimeeyaan ay iyagu soo qabtaan kuna wareejiyaan ciidanada Booliiska Muqdisho.
Labadii hore waxaa qabtay shacabka Degmada Dayniile waliba kuwaasi hub ay bambooyinku ka mid yihiin ayay ku Alshabaabku ku hubeysnaateen marka shacabku naftooda u hureen inay gacanta amniga soo geliyaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.CON