MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa dhagax dhigay isbitaal casri ah oo NISA u gaar ah isagoona sharaxaad ka bixiyay dhismahaasi.
Advertisement
Taliye sambaloolshe wuxuu sheegay in Isbitaalkaan uu dhagax dhigay uu yahaw mid weyn hab casri ahna loo dhisayo,wuxuu sheegay inay uga maarmi doonaan isbitaaladii gaarka loo lahaa ee lagu daweyn jirey.
“waxaan go’aansanay inaan dhisano isbitaal gaar noo ah oo ciidamadeena lagu daweyn doono”ayuu yiri
Dhaqaatiir NISA ay dibada u dirsatay si ay wax ugu bartaan ayaa ka howlgeli doona isbitaalkaasi sida warbixinta lagu sheegay.
Haddaba halkaan ka daawo warbixinta oo dhameystiran:-
Advertisement