BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Salaadda Janaasada ayaa goor dhaw lagu tukaday AUN Askartii dhawaan lagu dilay degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha dhexe .
Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ayaa salaada janaasada lagula tukaday asakartaasi rabi ha u naxariistee,isla hada ayaana la aasayaa.
Masuuliyiin Dowlada Somalia ka tirsan ayaa ka qeybgalay salaada janaasada islamarkaana u taagan inay aaskana ka qeybgalaan.
masuuliyiinta waxay kala yihiin Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Somalia Daahir Shire Maxamed ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ,Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale waxaa ka qeybgalay duubabka dhaqanka ee Beelaha Muddulood iyo Xawaale oo ay kala hogaaminayaan Ugaaska Xawaadle iyo Imaamka Muddulood.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM