MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa maanta u fadhiisatay maxkamadeynta Askari dhawaan dilay askari kale oo saaxiibkiis iyo shaqa wadaag-ba ay ahaayeen.
Xeer ilaalinta ayaa soo gud-biyay in askarigaani saaxiibkiis dilay isagoo dhahayay qorey ma taqaanid ,waxaadna tahay reer baadiye balse askariga eedeysanaha ayaa ku andacoonaya inay kaga baxsatay xabadu balse uusan saaxiibkiis kas u dilay waliba uu walaalihiis ka jeclaa.
Advertisement
Maxkamada waxaa goob joog ka ah ehalada eedeysanaha iyo qoyska marxuumka intaba.
Haddaba aahaahinta halkaani ka daawo maxkamadeynta iyadoo muuqaal ah:-
Advertisement