MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ka soo saartay odey waayeel ah oo 8 bil ka hor loo soo xirey inuu ku lug leeyahay lacag dhaqidda iyo maalgelinta Alshabaab.
Maxkamada ayaa Odeygaan oo lagu magacaabo Xaashi Cabdullahi Warsame waxay ku xukuntay 6 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $5,000 oo dollar.
Advertisement
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Saalax Cali Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanaha iyo abuukaatihiisa ay u furan tahay inay racfaan ka qaataan xukunka.
Haddaba faahfaahinta ka daawo muuqaalkaani hoose:-
Advertisement