QAZA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Falastiin ayaa sheegaya in kumanaan shacab reer Gaza ah ay maanta ku qulqulayaan guryahooda marinka Qaza kadib sanad iyo bar ku dhawaad oo ay banaanka ka joogeen dagaaladii ka socday darteed.

Muuqaalo warbaahinta iyo baraha bulshadaba lagu soo bandhigay ayaa muujinaya kumanaan shacab ah oo ku sii qulqulaya guryahoodii ay ka daganaayeen Gaza madaama heshiis ay gaareen dagaalamayaasha Xamaas iyo Yuhuuda.

Advertisement

Sabtidii ayay ahayd qorshuhu inay dadkaani guryahooda ku laabtaan laakiin waxaa u diiday Israa’iil kadib markii xamaas dib u dhigtay siideynta gabar la yiraahdo Arbel Yehub Sabtidi taasina ay ka caroodeen israa’iiliyiinta.

Sidoo kale Yuhuuda ayaa aaminsanaa in haweeneydaani Arbel Yehub aysan nooleyn balse Xamaas ayaa cadeysay inay nooshahay waxayna xamaas balan qaaday inay khamiista sii deyn doonaan haweeneydaasi iyo laba kale taas ayaana sahashay in kumanaankun reer gaza ah inay israa’iil ogolaato inay soo dhexmaraan meel yuhuudu maamulaan oo aad ugu dhaw Gaza si ay degdeg guryahooda ugu gaaraan madaama ay lugeynayaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here