MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa maanta soo bandhigtay laba diyaarad oo ah nuuca dagaalka gaar ahaan kuwa qumaatiga u kaca ee heyla-kobtarka loo yaqaan.

Heyla-kobtaradaan oo Dowladu soo iibsatay ayaa saaka ka qeybqaatay xuska iyo dabaal dega maalinta Xornimada Soomaaliya ee 1-da Luulyo.

Advertisement

Diyaaradaha ayaa la arkaayay iyagoo daadinaya waraaqo ay ku xardhan yihiin calanka Soomaaliya iyo xuska 1-da Luulyo.

Heyla-kobtaradaan dagaal ayaa ah kuwa castiga ah islamarkaana dagaalada loogu adeegsado inta lagu rakibo qoryo iyo madaadiic daran doori u dhaca ,sidoo kale heyla-kobtarada waxay daabuli karaan ciidamo iyadoo awood u leh inay ku degto gudaha deegaanada ay cadowgeeda ku sugan yihiin ama gadaashooda,hortooda iyo dhan kasta.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here