MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Dowlada Somalia ayaa maanta Dalka Masar kala wareegay saanad ciidan kadib munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradha Muqdisho.
Wafdi ka socday Dowlada Masar ayaa saanadaan ciidan waxay ku keeneen diyaarad weyn oo iyaga laftoodu la socdeen.
Saanada ciidan waxaa loogu talo galay Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxaana Dowlada Masar kala wareegay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Dowlada Somalia iyo Sarkaal Booliis ah.
Wasiirka wuxuu uga mahad celiyay Masar taageerada ay soo gaarsiisay Ciidamada Booliiska Somalia isagoona xusay in dhanka amniga ay wax badan ka tari doonto saanadaan ciidan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Video Player
00:00
00:00