BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Waxaa saxaafada dumida iyo gudaha iyo social Media aad u qabsaday waxtarka iyo dhaq dhaqaaqa laba diyaarad dagaal oo nuuca qumaatiga u kaca ah kuwaasoo ay leeyihiin ciidamada Cirka Somalia.
Labadaan diyaarad ayaa gacan weyn ka gaystay inay ciidamada Xooga Dalka saadka ugu geeyeen xuduudaha Dalka,waxayna aad u darxad geliyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jeclaa inay arkaan qaranka Soomaaliyeed oo mar cagahiisa isku taagay.
Labadaan Heyla-oobtar waxay gacan ka gaysteen  sharaf soo celinta awoodii ciidamada cirka xili Dowlada Somalia ay dagaal siyaasadeed kula jirto Dowlada Itoobiya oo dooneysa inay xoog ku qaadato Badda Somalia.
Si kastaba maalmihii ugu dambeeyay heyla-kobtarada Xoogga Dalka waxay aad uga muuqdaan Saad geynta ciidamada qaranka ee ku sugan xuduudaha Itoobiya iyo Kenya aan la leenahay..
Hadaba halkaan ka daawo dhaq dhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee labada Heyla-kobtar ay ka sameeyeen xuduudaha dalka:-
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here