RAASKAN-BOONI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka raas-kanbooni ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in ciidamo kale oo hor leh kana tirsanaa Maamulka Jubaland inay maanta ku biireen kuwa Dowlada Somalia ee halkaasi fariisinka ku lahaa.
Ciidamadaan oo deganaa deganaa deegaanka Kudhaa ayaa la soo sheegayaa inay u tageen kuwa Dowlada ee ku sugan Raaskan-booni kuna biireen si rasmi ah.
Advertisement
Ciidankan ka goostay Axmed Madoobe waxaa watay Saleeban Cabdille Cali Deyr oo lagu naanayso Wardi waxaana deegaanka raaskanbooni ku soo dhaweeyay Taliye Xasan Ciraaqi.
Haddaba halkaan ka daawo soo dhaweynta ciidamada loo sameeyay:-
Advertisement