Waxaa isbadal xooggan laga dareemayaa awooda ciidaamada cirka ee Dowlada Somalia oo soo kabanaya madaama aysan wax shaqo qaban mudo ka badan 30 sanadood.
Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa ku guuleystay inuu dib u soo nooleeyo awooda ciidamada cirka ee Dalka kadib markii uu qalabeeyay ciidamada cirka waxaana bilahaan danbe laga dareemayaa furimaha dagaalka xili ay wacdaro ka dhigayaan.
Muuqaal laga soo duubay Ciidamada Cirka Somalia ayaa muujinaya mid ka mida diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Somalia oo hawada ka duqeynaya ama ka rasaaseynaya Alshabaab xili ciidamadii dhulka laftoodu daawanayaan.
Talaabada dib u soo noleynta ciidamad Cirka Somalia waxay niyada u dhiseysaa ciidamada dhulka ee dalka kuwaasoo mooral ahaan sidii hore ka fiicanaan kara markey arkaan in markii culeys ay dareemaan ay wacan karaan diyaaradaga dagaalka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM