MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga Mucaaradka ku ah Dowlada Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa ka hadlay cabashada reer Muqdisho badanaa ay ku sheegtaan in Caasimada xaqeeda helin oo waxooda la cuno.
Xildhiban C/raxmaan C.shukuur ayaa si kulul u naqdiyay tabashada reer Muqdisho isagoo carabka ku adkeeyay inaaney jirin cid waxooda cunta.
“Reer Banaadir joojiya dooda ah waxeena la cunaa, adinkaa cuntiin waxa somali ka dhaxeeya”ayuu yiri C/raxman C/shukuur.
Beesha Caalamka ayuu sheegay inay Muqdisho oo kaliya ku bixiso 1bilyan howlgalka atmis kaasoo %75 ku noqota caasimada waa sida uu warka u dhigay siyaasigu.
Wuxuu u soo jeediyay in doodu saas ku habooneyn balse ay tahay in reer Muqdisho ku doodaan in Magaaladu Maqaam iyo maamul la doorto yeelato.
Hadadalada Xildhibaanka oo faah-haahsan halkaan ka daawo:-