HomeWarkiiDAAWO: Alshabaab oo markii ay qabsadeen Aadan Yabaal ku dhaqaaqeen fal cajiiba

DAAWO: Alshabaab oo markii ay qabsadeen Aadan Yabaal ku dhaqaaqeen fal cajiiba

AADAN-YABAAL (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa maanta markii ay qabsadeen Magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxay ku dhaqaaqeen inay calanka Somalia dejiyaan islamarkaana kooda saaraan iyo fal kale oo la yaab lahaa.

Kooxdaa ayaa muuqaalka waxaa lagu arkay iyagoo jeex jeexaya sawirka Madaxweyne Xasan Sheekh oo surnaa aargada Degmada Aadan Yabaal,dagaal-yahanka sawirka jeex-jexaya wuxuu muuqaalka ku eedeynayaa Dowlada inay Magaalada dhac iyo boob ka wadeen,sidoo kalana ay diidan yihiin in sunada rasuulka NNKH sida uu sheegayo.

Dagaal saacado socday oo la isku riiqmay ayaa saaka dhexmaray ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabaab kaasoo ugu dambeyn keenay i9n alshabaab qabsadaan Magaaaldaasi oo laba sano ka hor laga saaray.

Saraakiisha Milateriga gaar ahaan taliyaha ciidamada xooga dalka oo dagaalka ku jirey wali kama hadlin sababta guul darada keentay iyadoo ciidamo badan ay magaalada ku sugnaayeen.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -