Kooxda Daacish ee ka howlgasha Puntland ayaa sare u qaaday weeraradooda iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn oo horumarsan.
Qaar ka mid ah diyaaradahaas ayaa ku qalabaysan kamarado lagu ogaan karo kulaylka, taas oo u suuragelinaysa inay bartilmaameedsadaan goobaha milatariga xilliyada habeenkii.
Sida laga soo xigtay shirkadda Vates Somalia oo ku takhasustay qiimaynta khataraha, mid ka mid ah noocyada diyaaradaha lagu arkay muuqaalladii ugu dambeeyay ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayaa qiimiheedu ka badan yahay $9,000.
Diyaaradahaas casriga ah ayaa waxay qaadi kartaa oo soo ridi karaan illaa afar walxaha qarxa ah, halka kuwa jaban ee is-miidaamiya loo naqshadeeyay inay si toos ah ugu dhacaan gaadiidka, sida kuwa xamuulka qaada iyo booyadaha biyaha, ama xitaa kooxo ciidamo ah oo meel isku urursan.
Cabdiqani Muuse Warsame, oo ka tirsan ciidamada Puntland isla markaana kasoo bogsanaya dhaawac uu kala kulmay weerar drone, ayaa yiri,” qoryaha aan sidano oo keliya ayaan ku beegsan karnaa. Wuxuu muujiyay caqabadaha ay la kulmaan si ay iskaga difaacaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Ciidamada amniga Puntland iyo kolonyohooda sahayda ayaa dhowr jeer bartilmaameed u noqday weerarrada loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo astaan u ah halis weyn oo ciidamada Puntland kaga imaanaysa kooxda Daacish.
Inkasta oo adeegsiga diyaaradaha noocan ah ay caan ka tahay kooxaha hubeysan ee ka dagaallama Suuriya iyo Ciraaq, haddana adeegsiga kooxda Daacish ee ku sugan Puntland waxay muujinaysaa xeelado cusub oo kooxdu adeegsadeen.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaan weli qaadin tallaabooyin cad oo lagaga hortagayo khatartan sii kordheysa, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo ammaanka ciidamada iyo wadooyinka muhiimka ah ee sahayda lasoo marsiiyo.