Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa howl-galo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada dhulka miyigaa ah ee magaalada Jowle oo hoostagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa Howl-galladan ku dilay cabdulaahi siciid bulxiye oo ahaa amiirki deegaanka Jowle u qaabilsanaa Alshabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
Advertisement
Ninkan ayaa waxaa wehliyay oo wowl-galka lagu dilay 10 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo la sheegay inay asaga ilaalo u ahaayeen.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa sheegay inuu howlgalku weli socdo, waxaana la filayaa ij warar intaas ka faahfaahsani ay ka soo kordhaan.
Advertisement
![](https://www.dayniiile.com/wp-content/uploads/2024/05/FB_IMG_1716041791450.jpg)