Taliyaha guutada qeybta 5-aad ee xooga Dalka Soomaaliyeed Col. Maxamed Xassan Ibrahim (Bakaay) ayaa ka bad-baaday isku day dil markii uu qorey u qaatay askari uu u diiday in la siiyo rasaas markii ay ku cadaatay inuusan dagaalka gelin balse uu rasaasta iska qaato.

Sheekadaan waxay ka dhacday Magaalada Ceel-dheer ee Gobolka Gal-gaduud xili arimo shaqo uu u tagay Col Baakaay islamarkaana uu ciidamo badan u kala saaray kuwa dagaalama iyo kuwa aan dagalamin, isagoona rasaasta u diiday kuwa ku eedeysan ineysan dagaalamin.

Advertisement

Mid ka mida askarta ayaa ka carooday amarka Taliye Col.Baakaay uu ugu diiday rasaasta kadibna wuxuu isku dayay inuu taliyaha dilo balse ilaalada Taliyaha ayaa ka hor tagay intuusan falkaasi ku dhaqaaqin.

Mid ka mid ah asakrta ilaalada u ahaa Taliyaha ayaa si farsameysan lugaha isugu daray kadibna qoreyga degdeg uga qaaday intii uu sii dahacaayay sidaana lagu xirey.

Askarigii isku dayay inuu dilo Taliye Bakaay iyo askar kale oo iyagana sameeyay  amar diido iyo kuwa  furin dagaal oo ay soo baneeyeen loo wada maxkamadeeyay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybteeda Gobolka Gal-gaduud ayay ka socotaa dacwada askariga isku dayay inuu dilo Col Bakaay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

SSB media - Waxaan hal kaan hambalyo ugu dirayaa Taliyaha... | Facebook

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here